VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Guur Ft Hani uk - Lyrics

Cawaale Waxan geela kaaga bixin gaari baad tahaye Oo gal xareeda baad ii tihiyo webiyo gowleynee Hani Raga gaar waxaan kaaga xushay geesi baad tahayee Garashadada dheer baan jecliyo geed ka talin taadee Cawaale Waxad tahay gugii oo do,,oo geyiga maasheeyey Geenyo shaaximan baad tihiyo gaari bilicdheeree Hani Nin goboo nafta loo huraad ii tihiyo guurti dhaqameede Geedohoo magoolaad tihiyo makiyo ubixii guudkaasee Cawaale Kaalay gacalooy Hani Gacale gacale Cawaale Haa kaaalay gacalooy Hani Gacale gacale Cawaale Gabooley adaan ugu jecliyo hablaha geyigeenaa Gurgurshaagii baad ii tihiyo gaadiid xoog badane Hani Kaalay gacaloow Cawaale Waykan waykan Hani Haa kaalay gacaloow Cawaale Waykan waykan Hani Gacal laba wadaagtaan nahoo ceeb ka gaabsadayee Geed hadhaca baad ii tahoo cidina goyneynee Cawaale Geyigeena waa laga ogaan guurkeeneniyee Oo gebigeed Somaalidu cayaar haw gurbaan tumee Hanti Gubtanyada ka dhawr caashaqni waa gob taladiiyee Goor iyo ayaan baan qalbiga meel ku gunudaayee Cawaale Gogoshii cishqigu way dhex taal gibilku doonaayee Goobahaa dalxiiskaan ku geyn saad u gama,daaye Hani Hagodladee gaawaha u cugo geelii waa inoo dhalayee Gacantana iqabo caashaqu waa inagu gaarnaayee Cawaale Kaalay gacalooy Hani Gacale gacale Cawaale Haa kaalay gacalooy Hani Gacale gacale Cawaale Gabooley adaan ugu jecliyo hablaha geyigeenaa Gurgurshaagii baad ii tihiyo gaadiid xoog badane Hani Kaalay gacaloow Cawaale Waykan waykan Hani Gacal laba wadaagtaan nahoo ceeb ka gaabsadayee Geed hadhaca baad ii tahoo cidina goyneynee Cawaale kaalay gacalooy Hani Gacale gacale Hani Kaalay gacaloow Cawaale Waykan waykan Lyrics by Mudugboy
Queue is empty
-- / --