VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Indho caashaq - Lyrics

Laba aynigood iska eegta Iska aamina ammaan mudanee Indho caashaqoo isku ooyayoo Is ilaashadaa ammaan mudanee Axdigeey dhigteen u adkaystayoo ARoos galaa ammaan mudanee Lammaana indoora jacaylka adkeeyay Kalsooni abuuraa ammaan mudanee Aheey nasiibku intuu u ekaaday Aroos galaa ammaan mudanee Ubax curdinoo is caashaqaybaa alleey lahee ammaan mudanee Gayaan isdoortaa Ehel ku taamaa Arooskoodaa aqalka la seesaa Dhiiga asbaniyo kabad la uuntaa Ubax udgoonana lagu daadiyaa Eeboow eeboow Ubad khayrleh sii U adeega sii Inamiyo gabdhaba Addeeca sii Adaa maaligee Arsaaqna sii Umalkiyo dookha Ilwaadka jacaylka Udgoon ku beermaa Ammaan mudanee Laba ka ilaashay Nacab ka irdheeyay Dhaqan ku aroorsha Ammaan mudanee Afka hooyoo Hiddaha asalkaa Awlaadda tusaa Ammaan mudanee Laba aramida Imtixaanka jacayl U adkeeystay baa ammaan mudanee Abaabulka guurka Nolal istareex leh Labay u ahaataybaa Ammaan mudanee Laba ubadkooda Ku abaabshaoo Islaamnimo baray ammaan mudanaaa Bal eega eega Ubaxani bal eegaa Arkoo ila eega Anbaqaadka jaceel U adkeeystay eega Caweey u ahaatee Haloo tuma ee Eeboow eeboow Ubad khayrleh sii U adeega sii Inamiyo gabdhaba Addeeca sii Eebbooow Adaa maaligee Arsaaqna sii
Queue is empty
-- / --