VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Tamashlayn - Lyrics

Qalbigeyga tan ku taalay ku talaalan Hablahaba ka tilmaaman taan gaclooday Tafirtii dhaqankeena way tixraacday Quruxdana waa tusaale aan la tiigsan Timaheeda tidcan, teedsan dhabarkeeda Talaabadaa socodkeeda, jooga toosan Dhaxdeedu taako weeye buuxda taama ahoo Tusmadii arageeda waan talaalmay Dayaxoo toban iyo shan ku taagan Tabtiisu nuurka weeye aan ku taamo Tiriigaa, tiriigaa indhahayga weeye tooshka Xiskeygaa tebeyoo ku talaalan Ka taagan qalbigeygu tu kaleeto Tahliil bay, tahliil bay u tahay taaha maanka Heliyaalow, hoboow heliyaalow Heliyaalow, hoboow heliyaalow Yaa Jabuuti la taga xeebta teedsan Yaa aroos ugu tuma, Tog Wajaale Yaa tigaadda Galaadi ku taaliyo Togdheer Allow ayaa tusa Daallo Heliyaalow, hoboow heliyaalow Eheey, heliyaalow, hoboow heliyaalow Todobaad yaa Taleex kula qaata Tamashleyn Xamar yaa u talaabsha Yaa Tayeeglow intuu ku taswiiro Ayaa taalooyin Wajeer uga taaga Heliyaalow, hoboow heliyaalow Eheey, heliyaalow, hoboow heliyaalow Yaa Jabuuti la taga xeebta teedsan Yaa Aroos ugu tuma Tog Wajaale Heliyaalow, hoboow heliyaalow Eheey, heliyaalow, hoboow heliyaalow!
Queue is empty
-- / --