VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Deeqa luul - Lyrics

Danta guud makarata Daleel ma iska oodaa Daawashada indhaha Doog iyo xareed Damac mey ku dalin Diidaye naftaan iska daba wareeg Dibadaha ku lumisee Hadal daahsanoo Soo marin dibnaha Daqar yuu ku gaarsiin Duni waalanoo Dahab iyo diinaar Doolar daba ordee Dalaal iyo daryeel Wada doodayaan Daar wada rabaan Deeqo luul adaan Kaa doortay dumar Duunyo haygu xirin Daalban umaray Damiirka ka helay Dad iney idhashaa Damaceygu rabaa Page-2 Dadka lagama hela ruux Darajo weyn kula doonaaye Waa dahab darmoo Deegaankena weyn Dhanba dacal ka dagay Dareen caashaqoo duufaano sida Da'yarti indhuhuu Udayoobayee danta garo adan Dooq kuu xushee Duni waalanoo Dahab iyo diinaar Doolar daba ordee Dalaal iyo daryeel Wada doodayaan Daar wada rabaan Deeqo luul adaan Kaa doortay dumar Duunyo haygu xirin
Queue is empty
-- / --