VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhaxda taako - Lyrics

helleele helleele sida dhiggaad jirkayga dhex qaaddayoo dhimirkaygaad dhammayseey ku dheeraran tahay dhigta iyoo sida udub la isku dhaaday baad iigu dhidbooo la igu kaa dheelitiray dhabanadaada iyoo dhexda taakadaa markaan dhugtaa tumaaddii la igu dhuftaa dhudhumada dartaa dhulka kuma hayoo sida ruux dhutinayoo kalaan dheeliyaaa cabdiyoow dheelliyaaa dharaariyo habeen aan isdhowrannee ha iga dheeraan huunnooy faadumooy soo dhawoow dharaariyo habeen aan isdhowrannee ha iga dheeraan huunnoow cabdiyoow soo dhawoow oo dharab lahoo sida dhibic roobkaad dhalaaalaysaaaaa dhalandhoolay goortii aaan dhoofayoo dhulkii hooyoo aad dhex joogtaybaa la iga soo dhowrayaa soo dhaqaaq markaan kuu dhawaaqo oo dhalinyarada kale iiga dhaga nugloow kala dheeraanshaheennaa dhibba keenayoow haddii aad ii dhowdahay dhulba kumaan dhigeen dharaariyo habeen aan isdhowrannee ha iga dheeraan huunnooy faadumooy soo dhawoow dharaariyo habeen aan isdhowrannee ha iga dheeraan huunnooy cabdiyow soo dhawoow.
Queue is empty
-- / --