VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gayaan - Lyrics

gabadhi doole eey guudka loo dabaay waxaa tahay gayaan bila gaariyeey garashiyo aqoon iyo gobonimad kaligaa gaar u leedahay geesiyoow sida geenyo faras ama geeny haldhaa gole joogsigaagan gobaadey ka helay sida geed hadhloo warta gaafoow ku yaal ayaan gurada iyo guudka kaa daawadaa gabadh yahay garloo gubayoo geelu dhalay iyo gole barwaaqa ah baan ku gaynayaa gaban yahoow qaliile iyo gankiisiyo iyo adoo gugii helay maan ku guri gallnaa gobol taariikh leh iyo waxaan kugu galbinayaa wardheer gaariyeey gobol taariikh leh iyo waxaad igu galbinaysaa wardheer geesiyoow yaa galaadi iyo bookh ku geeyo galabtii caano geel gaawe kuugu shuba gayigeena wacan kama guurayee garbo rogada iyo guuxa ila ciyaar galka waafi xareeda ka galac leh iyo gobta reeru taal ku gaadhsiinayaa gafi maayo mirir gugu helee waa inaan dhex gaardiyo hadiyo goor gooso yucub ka baxay oo guduudatayoo gacmahayga hoobaanta kuugu gur goonyihi hagoogane gacaliyoow gabalkii dhacaba yaa ku tuma giblada
Queue is empty
-- / --