VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Muunada quruxda - Lyrics

Muunada quruxdiyo asluubta Milgaha sharaftiyo xishoodhka Manshee socodkiyo hanaanka Ayaaa maankeyga deeqey Adaa maamula hankeyga Cindiga hantiyo maqsuudsha Halbowla dhiiiga miirsha Adaa mulkiyoo daweeya Adaa iga mudan xaqdhowrka Manshee sharafkiyo wanaaga Adoon caashaqa ka maarmeyn Macaan ila qabo xagaaga Milicsi aragaaga nuurka Maariinkiyo iyo dheeha muuqda Maareeyo dhaayahii jaleecaa Ayaa muxibada ilmeeya Malaayiin haween aduunka Midaan kula simo aqlaaqda Ama aan kula masaalmo Macaan weli indho ma saarin Adaa iga mudan xaqdhowrka Manshee sharafkiyo xishoodka Adoon caashaqa ka maarmeyn Macaan ila qabo xagaaga
Queue is empty
-- / --