VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hobeey hobay hooy - Lyrics

Hobeey hobay hooy Iliga iyo laabta taan ku hayaay Hobay hooy Qalbigu u halaanhalaayeey Hobay hooy Kolay kaama hadhi karaye Hadalaadii dhexdeena War maxaad ka haysaayee Hobeey hooy hobeey hooy Hobeey hobay hoy Hadhkiyo ha iga kicin hurdada ee Hobay hooy Horaan kuu idhi wax kuuma hayee Hobay hooy Hantaaqdiyo hadalka iga daaya Waxaad la hurdayso iga haay Hobay hooy hobeey hooy Hobeey hobay hooy Huluulaha ku heeryo dhigay Hobey hooy Intaan hadhka galay u heesaaye Hobey hooy Kolay kaama hadhi karaye Hadalaadii dhexdeena War maxaad ka haysaayee Hobeey hooy hobeey hooy Hobeey hobay hooy Waxaanad helayn lama hiigsado Hobey hooy Adaa isku horseeday hooga dhigtay Hobey hooy Hantaaqdiyo hadalka iga daaya Waxaad la hurdayso iga haay Hobay hooy hobeey hooy Hobeey hobay hooy Hamiiniyo maalin galin holaciyo Hobey hooy Harariyo igu soo maray Hobey hooy Kolay kaama hadhi karaye Hadalaadii dhexdeena War maxaad ka haysaayee Hobeey hooy hobeey hooy Hobeey hobay hooy Hablaha gabadhaan naftay u huraay Hobey hooy Waan hawro biiyano hoy galayee Hobey hooy Hantaaqdiyo hadalka iga daaya Waxaad la hurdayso iga haay Hobay hooy hobeey hooy Hobeey hobay hooy Halbawlaha dhiiga kii habayoo Hobey hooy Qalbigu u hawaawirayaayoo Hobey hooy Kolay kaama hadhi karaye Hadalaadii dhexdeena War maxaad ka haysaayee Hobeey hooy hobeey hooy Hobeey hobay hooy Habaar qof qabaa ma hagar baxo Hobey hooy Habaaska aday ku hooyanaayee Hobey hooy Balaayada aday ku haysaaye Waxaad la hurdayso iga haay Hobay hooy hobeey hooy
Queue is empty
-- / --