VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gabagabo - Lyrics

Laari Ku guur caqligiyo garaadka ogow cilmi waxaad ku gaadho intaad guntatood dadaasho aqoonta gurigaaga toosi guniyo baar anoo u sheegay dabadii gurigii weeyee Bal maxaad noo gebo-gabeysay gaadiidku cudur ku guuro gurada ubadka uga saartay bal maxaad noo gebo-gabeysay Binti Inaga oo gubanoo haraad nay gasin iyo gogolba weyney gaajiyo cudurna u bislaanay halaagga adaa baday reerka tukaale guurso islahaydee bagaad garab iiga weydey haduu reer gebogaboobo gurboodkiisuna xumaado waxaa gabay aabahoode xil gudo oo garasho yeelo Laari Taladu waa guud ahaane intaan eeda naga dhaaftide waxay gasho hooyadoodna caruurta laga gartaaye asaagood inaanay gaadhin dhashaad ku gardaadisaaye bal maxaad noo gebo-gabaysay gaadiidku cudur ku guuro gurada ubadka uga saartay bal maxaad noo gebo-gabeysay Binti Anigoon guntanayn balaayo markaad galabtii dhaqaaqdey habeen badhna igu garaacday hinaase garbaan u yeeshey inkastoo talo kugu gadooday iminka cadho kugu gadhoodhay haduu reer gebagaboobo gurboodkiisuna xumaado waxaa gabay aabahoode Xil gudo oo garasho yeelo
Queue is empty
-- / --