VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ruux dhintaad ka samirtaa - Lyrics

Wax dhintaad ka samirtaa Rajo waa la dhowraa Waxii lumay doon doon Ayaad isu dhiirgalisaa Dhaban ceel tagay baan Meel dheeliyaayoo Dhalandool haraadan baan Iska dhigayaayoo Dhici waaydoo sidaan rabay Dhaawacii baa cilaacoo Waa dhaboobay jaceylkaan Dheel dheelsanaayee Dhagax dhuunto kama dago Dhaayahaad ku araktaa Dhirta meesha dooga leh Carabkana dhadhamishiga Anna dhaawac baaan ahow Dhibtu way iga badantahoo Dhidid iyo kuleel baa Dhabanada ka da'ayee Dhici waaydoo sidaan rabay Dhaawacii baa cilaacoo Waa dhaboobay jaceylkaan Dheel dheelsanaayee
Queue is empty
-- / --