VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Daliilka mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Caasha Cabdoo
Daliilka

Waa dulaabay daaliskaagii
Daahiroo haddaad idooneen
Dag dag waa inaad ideerisaayee

Duunyadeedii dartaa udaayay
Dayac baan ahee, ha iidadaalee
Daahiroo haddaad idooneen
Dag dag waad inaad ideerisaayee

Waan ku doonaa armaad ideedaa
Duunyo iyo door mardi ma haystaan
Markaad damacdeey ku deeriyaanee

Duunyadeedii dartaa udaayay
Dayac baan ahee, ha iidadaalee
Duunyo iyo door mardi ma haystaan
Markaad damacdeey ku deeriyaanee

Dayax baa tahee oo ladaartee
Dardar baan noqday doonistaadii
Dadkoo idil way igu diimayaanee

Duunyadeedii dartaa udaayay
Dayac baan ahee, ha iidadaalee
Daahiroo haddaad idooneen
Dag dag waad inaad ideerisaayee

Dayn weeyee warkaa hadaynin
Dahaboo waan kugu dacweenaa
Dariiq hadaad igu daysidee

Duunyadeediyee dartaa udaayee
Dayac baana ahee, ha ii dadaaalee
Dahaboo waan kugu dacweenaa
Dariiq hadaad igu daysidee

Diidadii hore waan iska daayayee
Dabcigii waan doorihaayee
Daain baa isku kay diraayee
Darbanaanteeda iga daacid waaye
Da iyo labo waa inaan isduugnaa

Duunyadeediyee dartaa udaayee
Dayac baana ahee, ha ii dadaaalee
Darbanaanteeda iga daacid waaye
Da iyo labo waa inaan isduugnaa

Aan isdafnee diyaar ahaawee
Inta diidan iyo duqoowda
aan is dugaashanee aan duulnee
Dulmi maahinee digniin weeyaan
Haday doonistii do! kaa aheedee

Duunyadeediyee dartaa udaayee
Dayac baana ahee, ha ii dadaaalee
Dulmi maahinee digniin weeyaan
Haday doonistii do! kaa aheedee

Daarixeegii waa la iga dareemyoo
Daarixeey waxaan kaama daahnee
Diidi jooga la igu dadaalyoo
Daahir adna waad igu dudeesaa
Daakiraaddaan , haddaadan daynin
Dalkoo idil waan ka duulayaayee

Duunyadeediyee dartaa udaayee
Dayac baana ahee, ha ii dadaaalee
Daakiraaddaan , haddaadan daynin
Dalkoo idil waan ka duulayaayee

Danaaninskaaga idiilay
Dowr cuda waa la diraray
Dad yuu ku ulduufsan Daruurooy
Daqiiqad ha iga dhul keenin
Dawo ayaad ii tahay daruurooy

Duunyadeediyee dartaa udaayee
Dayac baana ahee, ha ii dadaaalee
Daqiiqad ha iga dhul keenin
Dawo ayaa ii tahay daruurooy

codkii Caasha Cabdoo