VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waxay sabi ilmaha - Lyrics

Waxaa samano badan
geelu seynta u ruxaa
maruunbaa sasabaniyo
saluug ka cabi doontaa
anna waxan saqaafaha
iyo sahanka caashaqa
keymaha u marayaa
si aan u kulanee
jacaylkii sacaabo furanoo
ayaankeen bari samaad heley
arooskenii saldhigayee
sidaan u garo ula soco ee

Sahra Axmed

Waxay sabi ilmaha
hooyadu gosha ugu sidaa
sasabo loogu koriyaa
abaal laga sugaayee
anna waxan sidoo kale
caashaqa sasaba iyo
samir uga dhaqaayaa
wuu i sanduleeyee
jacaylku masidi irmaan baa
sadaash ma guul la helayoo
arooskii ma saan danbaayee
sidaa u gartee ka soco ee

A/Nasir Macalin

Waxaa subaga iyo heenka
sange loogu shubayaa
hubka loo safaystaa
sadaasha sida colaadeed
ana waxan la selelaa
saqda dhexe la toosaa
sahwigii jacaylkaa
samada iiga yimidee
jacaylkii sacaabo furanoo
ayaankeen bari samaad heley
arooskenii saldhigayee
sidaan u garo ula soco ee

Sahra Axmed

Waxa sadar reerka
sarmaanta loogu oodaa
yaan tuug gurguurtiyio
usoo marin dugaaguye
sadex boqol iyo maalmood
iyo tiro sagaashana
sadku geelu weeyee
ma sal gaadhey caashaqa
jacaylku masidi irmaan baa
sadaash ma guul la helayoo
arooskii ma saan danbaayee
sidaa u gartee ka soco ee

Queue is empty
-- / --