VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qamaray jacalyku - Lyrics

Qamaray jacalyku quraan layska saariyo wax ka qabasho leeyahay qudhii qays markuu jaray layla qolka galiyaaba hore looga quustee qaburaha inaan galo haatan ii qorsheysee qilaaf iga hor keentee waa inoo qiiyamaha Dhulku kala qaboobe meelan qaxar lahayniyo bidhantii qoryooley qaadir kugu abuuryeey indho qabad wanaagey Sida roob qayoodoo qaboonada intuu gaadhay dhirtu wada qarsoontee qaybisay midhaha iyo lagu soo qamaamiyo qool baxay la moodyey adigaa i qoomoo qancimaayo jeeraan isu qayb ahaaniyo quud aan waadaagnee Dhulku kala qaboobe meelan qaxar lahayniyo bidhantii qoryooley qaadir kugu abuuryeey indho qabad wanaagey
Queue is empty
-- / --