VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Humaag - Lyrics

Hir baan laacaa hurdada Markaan hinqadee kacana Hawiyo been buu noqdaa Humaag baan kuu arkaa Haddana hibashada kalgacal Harkaygaan kumoodayaa Haddaad halista jaceeyl Faraxeey iiga hiilli lahayn Naftaydaan kuu huri lahaa Haybad quruxiyo dadnimo Hablaha adigaa usitoo Waliba ku hawaawiyaa Anoo kuu heelan baad Halistiyo wadnaha igoysaa Huq iyo ciil bay ibaddaa Haddaad halista jaceeyl Faraxeey iiga hiilli lahayn Naftaydaan kuu huri lahaa
Queue is empty
-- / --