VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Inaan qabiilka dhaafno - Lyrics

allaah allaahu aallah allah allah allaahu akbar kaan gacanta dhaabna somalidu dhawaaqde markii saf loo dhaqaaqo intuu gumaysi dhuunte hadaan dhagaxa loo ridin calanka maynu dhidibneen hadaanay geesiyaal dhiman xornimo kumaan dhawaaqen hadaan dhimsaho loo hurin sanguuriyaal ma dhalaneen allaah allaahu aallah allah allah allaahu akbar inan qabiilka dhaafno dheregna aynu gaadhno cudurka ay dhamaanayno ayaa inoo dhinaaye shantaa in la is dhex keeno dhashoodu wada ciyaarto shantaa in la is dhex keeno gumaysiga ka dhowrno aduunkana u dhaxaynoo ayaa inoo dhinaaye hadaan murtida la dhuuxin oo an la dhigin afkeena oo an shisheeye dhowrno halkaa ku ciirsan mayne hadii dhereg la doono oo an dhib loo adkaysan oo aynu meel dhex jiifno halkaa ku ciirsan mayne hadaan dhaqan wareegno oo aan dharkeena xoono oo ay dhashii ilowdo halkaa ku ciirsan mayne allaah allaahu aallah allah allah allaahu akbar dhalin yahay dhamaanten xumaha ma iska dhaafna dhalin yahay dhamaanten samaha ma u dhaqaaqna dhalin yahay dhamaanten dhulka ma u shaqayna dhalin yahay dhamaanten cunuga ma isku dhiibna dhalin yahay dhamaanten dheg xumada ma dhiibna dhalin yahay dhamaanten dhiidan ma u eekaana allaah allaahu aallah allah allah allaahu akbar
Queue is empty
-- / --