VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sacaada - Lyrics

jacayl saymo weeyaan si yar kuu haleelo intuu soorta kaa jaro soomal haad ku galiye adaa seexanaayee saranseer waxaan qabo tuhunbaan sad moodaa saxarada dabayshiyo sanqadhahaan ka didaya sida salaw ugaadhoo sideed kun iyo boqol mayl adigoo socdaal tagay inaad saacad libidhaa iga sooni maysoo waxaan ahay sacaadaay surinka kaa arkaayee adiguna sidee tahay ina ma ila socotaa saan qaad caruureed sugi maayoo caanaha waalidkii u soo sido jeeroo la siiyee salaantaa hawadiyo dabayluhu sidaanban ku sabaa naftaydoo wali way ii sawirantay halkii aan sagootiga sacabada ruxaayoo intaan kuu samraayeen waqtigaa sirgacaniyo dhibta sahashaanaayaa sabigii arimayoo saxansaxo udgoonbay saadaashu sheegtoo sacbaa wayl dhalayee safarkii dhaqaaqee aniguna sugaayee soo noqonba waayee
Queue is empty
-- / --