VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dareen jacayl - Lyrics

dareen jacaylbaa ila dagoo dad iyo duunyo ma doonayee dabeecadaad i deeqdayoo inaan ku daayo ma dayi karee ahaaahaa ahaaahaa waxan haweenkii i duree gabdhihii dalkeena uga didee dugsi u mooday docdaaduun dakhar jacaylbaan i doogto oo markaan ku dayo dawoobayaa dumar u rooneey hadalka uun inta aanu duulin ila dhamee anoo daraadaa u duubanoo jacayl i daaray la dadanbaa markaan ku doonay i diidoo dacar i siisoo i dayrisee ahaahaa ahaahaa markaan ku daayeen dawo helay miyuu dabkiisii kugu baxoo sidii koob duura ololaysaa dadyow bal eega nafsiganoo damaca wiilkan u fiirsada wuxuu daraato lumiyaybuu imika dooni inuu heli dur dur jacaylbaan dul tagayoo darkii wadaantaan darsadayoo markaan dig siiyaan dareemayoo dibiradiisii la diidayee ahaaahaa ahaaahaa dooni jacaylbaa kula dagtee adoon i daalin dabaalo oo dantaada weeyee aan ku digee dumar ha diidin danbayso oo ahaahaa ahaahaaa sidaad doonto maahee ninku yuu dilin siday doonto weeyee inanta daa
Queue is empty
-- / --