VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Munaay - Lyrics

Sidii musbax iyo mulaax dumaree Marwadii sharaftiyo milgaha sidatee Qalbiga miratee imaan qaadaay Gacanta midigiyo Mataantii naftaay Aan kaa maarminee munaay marqura Meher dhacayiyo mudnaano aroos Adoo maqan baan muleestaayee Xiisuhu igu mudan macaan quraxeey Munaay maankayga jacaylka ku maaxay Munaay niyadeeda halkaan kugu muusay Munaay sadrigayga bartaay ku mudnaatay Munaay kaama maarmo macaan aragaada Maruun garan murugadaan qabo Macaan soo dhoof muddaan kusagayee Adoon maqanoo mareekan jiraa maankii iyo qalbiga meel ka dagtayoo Jigijigaa malyan jeer munaay kaa muuxdaa Miyaan laday mareer xalay gamay Mirtii riyadaan macaansadayoo Bogaad mirataa muraaqoodoo Muraar dilaac makaan doosaaba Dartaa muxibadu imaan qaadee Munaay maankayga jacaylka ku maaxday Munaay niyadeeda halkaan kugu muusay Munaay sadrigayga bartaay ku mudnaatay Munaay kaaga maarmo macaan aragaada Maruun garan murugadaan qabo Macaan soo dhoof mudaan kusagayee
Queue is empty
-- / --