VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Heer qaran - Lyrics

hadii qalbiga caashaq hawlay naftiisa halgaad u gaystay haweenkaba hiir ka goystay markuu kuli hiil ka waayay hir doogle intuu ku mooday xagaaga usoo hiloobay dartaa u hogaansanaaday inaad hodaneey halaysaa miyay kula hawl yaraatay naftaa u hanwayn xagaagee ha galin nabsi aafo reeba hadhaw cidhibtaada heera waa heer qaran ka i hayaaye hadii hanka dhaawac gaadhay wadnaha hibashadu nuglayso caqliga naafaa haleeshaa halista dawadeed adkaato naf ay hungo soo dishootay intay kuba hoodo sheegtay haday wehelkeed ku mooday inaad hafarkeeda qaadaa miyay kula hawl yaraatay naftaa u hanwayn xagaagee ha galin nabsi aafo reeba hadhaw cidhibtaada heera waa heer qaran ka i hayaaye
Queue is empty
-- / --