VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jincas - Lyrics

ala qalbigaygiyo laabtaay ala way ina kala qariyeene ala inta kale waa lugooyee ala yaa igu ladha laafya dheere ala jjinsigeediyo nuurkaan ala ku jeclaaday jamaaadeey ala yaa kobtiiniyo reerka ala kugan geel u xareeyaa ala yaa go,aan kula qaatoo ala yaa ku guursada geesheey ala jincas iyo janadaa ala nin waliba jeclaayeey ala codcodiyo caano geeleey ala curdan baxay caynadiisaay ala xamdi waan ixtiramee ala ma cirkoo casar hooraa ala lafta dhabar dhaliyahaygay ala yaa dhulkeenii kula aaday ala yaa kobtiiniyo reerka ala kugan geel u xareeyaa ala yaa go,aan kula qaatoo ala yaa ku guursada geesheey ala jincas iyo janadaa ala nin waliba jeclaayeey
Queue is empty
-- / --