VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haatuf - Lyrics

Sow arooryadii hore Intaan adinka loo kicin Anoo jiifka wali bogan Haatuf iima iman Inantaan jeclaadee Uurkaygu tabanayee Aduunyada ka doortiyo Khayr sow imuu odhan Sow aloosankeenii Inagoo aroosoo Aqal daahyo waynliyo Nolol aayatiin wacan ILAAHAY na siiyaa Indhahaygii kala furay Afka maan u diidaa Uurka maan adkeeyaa Mise arinkan igu shidan Umaduba ha maqashee Abwaanadaan u sheegtaa Sow jacaylkii orodkii Aar gaajo qaba oo Meel cidlo ah ku nool kali Afka igama uu galin Anoon aarsan karinoo Itaaliyo laxaadkay Adimada ku socon karin ALLE bariga maan badin Sow abaabulkaygii Aqalkoo cidla ahoo Ugbaad ay ka maqantay Ana aan ildaranahay Jacaylkuna i daashaday Uma yeedhin gacaladay
Queue is empty
-- / --