VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Duraansi - Lyrics

Aloow talo lagu dagiyo Dareen loo wada dhanyahay Aloow isku duubnidoo Bulshada la daryeela iyoo 2× Danaha guud ay fulaan Aloow doonyaysanee Deegaan la tilmaansadoo Wax qabad lagu dayan kariyo Jidkii dooroo jidkii dooroo Jidkii dooroo na mari 2× Aloow noo doortayoo Anana waan dooranee Aloow noo doortayoo Anana waan dooranee Adiguna na deeqsii Dawana uu noo noqdaa 2× Aloow ku duraansanee Dawlad hanaqaado iyo Aloow xukun daacadoo Hogaan diintu ay u tahay 2× Aqoontuna dahab u tahay Hidaha dhaqan dabar u yahay Nab doonidu dayr u tahay Dalkuna ku badhaadho iyo Dadkuna hore ugu Dadkuna hore ugu Dadkuna hore ugu maraan 2× Aloow noo doortayoo Anana waan dooranee Aloow noo doortayoo Anana waan dooranee Adiguna na deeqsii Dawana uu noo noqdaa 2×
Queue is empty
-- / --