VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Saadaalin caashaqa - Lyrics

Ilayn sabanku yaab lahee Anigoo sir iyo caad Inta aan u sahan tagay Saadaaliin caashaqa 2× Inanyahay siraadiyo Sida sagal daruureed Ama subax la moodaa Saacadaan ku halacsaday Dareenbaa i saaqoo Jacayl baan la sara kacay Jacayl baan la sara kacay 2× Suqraaday adna samo ku noolow Ana waan ku sugayaa Ha suldaarin caashaqa 2× Quruxdaada siman iyo Suniyaha is haystiyi Indhaagan sagalkaa Sawracaaga aragtidaada 2× Ilkaha sadarka lagu dhigay Sanqaroorka kugu yaal Timo sabarka dhaafee San fardood la modyiyo Hiliqsiga talaabada Suuradaadu yaab lahee Suuradaadu yaab lahee 2× Suqraaday adna samo ku noolow Ana waan ku sugayaa Ha suldaarin caashaqa 2×
Queue is empty
-- / --