VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jabka jaba - Lyrics

jeexaygii midig iyo nafta jawradeedaay jaahaaga nuurka leh markii aan jaleecaba jidhku waa cajaa'ibe naftu jidhidhicootee jalanqadii haweenkaay ayaan jiidhin caashaqu sidiisa aan u jiranee caashaqeenu inuu jiro JALIILkeen aan barinee ku jecliye maxaa tidhi ha jiro ha joogee abid yuu janjeedhsamin adna ugu jabee shar ka jaba khayr u jaba shaydaan ka jaba caashaqana waa u jaba jacaylkana waa u jaba jalka kaan u daayee jiif iiga dhaartow jacaylkeenan laba jiray jiidh yeelay maantoo jaran jaradii dhaafnee mar hadaan is jecelnahay isku jeelanahayoo laba la iska jeemiyo jiidhiyo walaal nahay
Queue is empty
-- / --