VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qiiro - Lyrics

Sooow qaali dumaroo Qaaaayaheeda yaabakaleh Aaaadmigu qaddariyan Indhahaygu may qabaneey Qalad ku hadli maayee Quruxduu ilaahay Uu ku qubay dushaadaa Maankayga qaaddee Dhankastoon u qaadaba Qiireey i galisoo Qaadirkeen haddaayee Qalbi dooja weeyaan Soow geesi qawloo Xil qaadi karayoo Qabyaa tiray naftaydoo Qayrkeey kamaan helinee Waa qayb nasiibkuye Qaayihiisa nuurkaleh Iyo qaabka nolashaa Qalbigaa ku diirsada dhankastoon uqaadaba Qiiruu i galiyoo Qaadirkeey haddaayee Laab qabooja weeyaan Sooow qureesh haweenoo Qormoo garasha dheeriyoo Qaayiyo waanagba leh Qooraansi kuma arageeeeeeeey ---------------------- Qancisay naftaydoo Nolol inaan la qaybsadoooo Qorshahayga kuma darin Laabtayda kuma qorinee Dhankastoon u qaadaba Qiireey i galisoo Qaadirkeen haddayee Qalbi dooja weeyaan Soow quman aan doortoo Raggaa qiima dheeroo Iimaankiisu qaniyahay Ku qaboobay maan helinee Qaab dhismeedka araggiyo Qotanka iyo muuqaaa Qunyar markaan u eegaba Farxad baan qushuucaa Dhankastoon u qaadaba Qiiruu i galiyoo Qaadirkeey haddaayee Laab qabooja weeyaan
Queue is empty
-- / --