VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Naq roob - Lyrics

Sacna waysha uu dhalo Sanka kalama rooro Sidi kama jecladee Sidaasaan ka dhiganoo Isa sudhan waxaan nahay Sokeeye walaalo ah Sanadkaynu joogna Sideed guure weeyaan Soddon tahay bishiisuna Saddex weeyi ururkii Iyo tiro sagaala Sura badan fadhiistee Saabtiyo inshartii LA isiiyey xalaybaa Iisuuroobi wayday Salku dhigi ayankuye Samir aan lahaano Sidii roon rabaa oge Samir aan lahaano Ha igu samir darnaanine Adigoon sal fududaan Ha saluugin waayaha Aniguba saq iyo waa Sidaan kuugu go,ayaa Sahankeed ku maqanahee Sedex igu walaahiya Kuma seexam waligay Sir a an kugu dilaayee Sahwiyoo jacaylkuna Siduu adiga kugu yahay Ayaan kuula simanahay Saabtiyo inshaartii La isiiyey xalaybaa Iisuuroobi wayday Salku dhigi ayaankuye Samir aan lahaano
Queue is empty
-- / --