VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qaniinyada Abeesada - Lyrics

qaadiroow habeenadan miyay qubatay laabtaydu qarandida sideedii anoo ciida qodanaaya intii aan qandoodsaday miyaan cadho qamuumyaystay ma qiiqbaa caloosha iga baxay qanacnimadayda qoloftaa kabriidkiyo miyaan qori ka dhuubnaaday sabaradaa qaroodiga miyaan qaydka ku adkeeyay ma kuwaan qareen moodayaa qoolka igu roorshay qaarada aduunyada miyaan qaylada u tabiyay qoomamada waxay igu wacan qoortan bay go,ane qabrigiyo xabaalaha rag waa lagaga quustaaye kii gumaysi kaa qaadaybaan laga qaboobayne ma qubruhu walaalkay dilay saw ma qalooodo qaniinyada abeesada qacda horaad ku dhimataa ama qodaxdu kugu maqan qalbiguna haduu jabo ama qooomo aadmiga qabribuu u halisyahayee ma qaldhamay ma qaanacay maka qayshay buuraha qorfo ciilkii may dhigay waxay dumarku qiimiyo qurux ay u leeyihiin qoyskiyo ragoodee markaad aragto qayrkii qumanoow walaalkay mar hadaan qudhii jirin qumanoow walaalkay qabyo weeyi noloshuye markaad aragto qayrkii kii ay qubacan layd naftanay qadhaadhkiyo qoondaysa dhimashada qabrigaad galaysiyo sii qodo xabaashaada nolol waan ka quustee
Queue is empty
-- / --