VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aroos ah toolmoon - Lyrics

Been lama tilmaamee Degmoo tiniyo cirib Qurux waxay ka tahay taag Taariikhda nolashiyo Tusmadiyo aqoontana Rabi uu u dhamaystiray Waa timaa haldhaaleey Xushmad lagu tallaaloo Waalidkeed toolmoon Kuma tacaab khasaarine Tallaaba wanaagsan Toolmooneey Hobeey nuurbaan u tumaynaaye Ee caawa yaan u kala tegineey Rabi waxaan ka tuugaaye Talada inaad wadaagtaane Ee toowfiiq lahaataanee Tallaaba wanaagsan Toolmooneey Hobeey nuurbaan u tumaynaaye Aqalkiinna tiir adageey Hobeey taagnaada waligiiye Tusaniyoo barwaaqaaye Hobeey rabi idiinku taageer Hobeey tusaniyo barwaaqaa heey Taaj baan kusaarnoo Talmoon tol iyo gacal Arooskiinna taageee Taxanaha jacaylkiyoo Tashigiyoo ismaqalkana Haka tegina weligiin Weey idinkaa tisqaadee Tubta toosan wada maraa Tabca ubad xalaaloo Tarankiinna laguu farax Tallaaba wanaagsan Toolmooneey Hobeey nuurbaan u tumaynaaye Ee caawa yaan u kala tegineey Rabi waxaan ka tuugaaye Talada inaad wadaagtaane Ee toowfiiq lahaataanee Tallaaba wanaagsan Toolmooneey Hobeey nuurbaan u tumaynaaye Aqalkiinna tiir adageey Hobeey taagnaada waligiiye Tusaniyoo barwaaqaaye Hobeey rabi idiinku taageer Hobeey tusaniyo barwaaqaa heey Taaj baan kusaarnoo Talmoon tol iyo gacal Arooskiinna taageeere
Queue is empty
-- / --