Heesta Hees kaban 10 - Lyrics
garabkayga midig iyo hilbaa la iga gooyoo
markaan gaadh idhaahdana iska kay gundhinayoo
i galaaftaybaad tehee gacal midaan u haystiyo
gobol iga midaad tehee adoon geeri iga dhigin
ama nolol i gaadhsiin gama a wayga dheeryehee
labadaa miguun garoo
inan yohow gucliyo orod talo laguma gaadhee
sidaan duunya kaa dhacay ha igu soo gariirine
gubashada naftaaduna waa galab sigaagee
godo kuguma dhaafine ilmadaada gabax tidhi
gadhka waatan qoysee sowdiga nin geesiya a
waa maxay gal galashadu
gawaan igu adkaadoo guudka la iga saaroo
i gaboojinaysiyo libaax ii gabanayoo
xidhkaa i garaatee anaa goor xun socod iyo
gaba gaba ma daayee
hadal goor kastaba jira gorfa lagama buuxshee
nabsigaad guntaysana guudkayga saaroo
ani ha igu goobtee hadaad geeriyootana
ilayn kuuma gob lamayee soo gaba gabeeyee