VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hees kaban 6 - Lyrics

ma ogtahay qayaanadu waa qac iyo hadimoo nabsigii aan quudhsaday igu qarax sidii danab ma iga qubay jar iyo qaw dhadhansaday qadhaadhkii waanan qiray inuu jiro sidaan qoorta ula galay i qalalaaso iyo hawl jacayl baa u qaw kulul hadaan qudhi ku dhaafine adiga oon wax ii qaban nolol waan ka quusnee ileen dumar ma quustaan qayrkood ninka u jecel iyagoon qadarin jirin nabadana ku qoonsada markay talo qayaaday dib u qoomameeyaan quruxeey waxba ha tarin naftii qaaliga ahayd ee la iga qarin jiray sawkan qiimaheed dhacay wakhtigiina kala qubay adigana maku qabsaday durba qiiq makaa baxay adigooy qandhiyo cudur qirin qiir ku galiyeen hadaan kaa qawaday beri wakhtigaa is qalabayee anuu igu qaloocdoo waanigaa qaldhabayee quduradu i sidatee qaniinyada halkay mudan qof kaloo qareen u ah ma qiyaasi karayee qalbi jabaye hay qadin adiga oon wax ii qaban nolol waan ka quusnee halkaad qoontay berigii wali way i qoontoo ma qaboobin nabarkii qolofina ma saarine wuu ii kala qayaxanyee qacdii aad i yeeshiyo anoo ciira kuu qaba nabssi qawdhamayaa haduu kugu qayuursaday ha i odhan wax ii qabo qasnad weeyi hadalkuye adiga ooon murtida qubin iga quuso inanyay
Queue is empty
-- / --