VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gayaan - Lyrics

wiilyahaw garaadkiyo gobonimaad u dhalatoo geesi lagu hirtaa tahay guud ahaan ragaa idil garashaad u roontee gargaarkii jacaylkoow gacantaad isiisiyo goortii aan u baahnaa galad weeyi kuu taal xag kastba gaadhee waxaan nahay gayaanoo u gudbon jacayllkee gacmo furan dhankaygee adigiyo nin garadkaa godonkii bugaal ama hawd guntisii gayigoo barwaaqa ah marka geelu wada dhalo gego yaa yagleeloo guri kaaga taagoo kula gala aroosoo gabdho aad u wacaniyo ku xambaara gubanoo dabadeed ill gacalnimo waxaan nahay gayaanoo u gudbon jacayllkee gacmo furan dhankaygee adigiyo nin garadkaa
Queue is empty
-- / --