VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Badheedhaa kuu jeclahay - Lyrics

jacayl beerkiyo wadnaha bogiyo laabta seexdayoo adaa ii baaqayoo ii bildhaamayee kuu baahanee badheedhaan kuu jeclahay bushaaraad ii thehoo badhaadhaha aduunya iyo bilkhayrbaad ii tehee jacaylkaan beernaybaa barbaaree kaalayoo ubixii biyaynee jacayl boorahaa ka culus badwaynta ka si gun dheer ayaa igu baahayoo igu baahsanee bishmaha hadalkaad ka tidhi dhagihii bartay way rabaan indhaha biligtoodiyo budiyo wiilashaa ku jecel bildhaan qurux baar caseey adaa bilimiidhanoo adaa bligii hablaha buruudkii qaatayoo adaan burciyo nugaal anigu kaa baafiyoo adaan dhagax buur barbara bari iyo gal beed kaa baafin jiray busaylkii caashaqbaa naftayda ku baahayoo bogiyo wadnuhuu galoo naftii barataa rabtee bildhaantuna waa sad wayn baahida kaa caawisoo bogaa ku qaboobiyoo qofkuu beerkaagu rabo
Queue is empty
-- / --