VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wiil yar - Lyrics

beri aan yaraan jiray oo iskuul yar lay qoray oo inan yar lay baray oo waraaq yar u qoray oo boos yar u dhigay oo jawaab yar aan helay shaw jacayl yar baa i helay oo shaqo yar daydayay oon lacag yar soo helay deedna habaryar u tagay hagbad yarna aan galay oo suudh yar iibsaday oo tay yar lay xidhay tima jara yarna u tagay taalo yar ii jaray oo oday yar sii waday oo wadaad yar loo wacay yartii meher yar lagu xidhay koofeer yar loo waday oo toob yar loo xidhay aroos yarna loo dhigay oo hees yar loo tmay ana keeg yar aan jaray marki wiil yar lay dhalay shaw xanaaq yar baa dhacay mar kalo yar aan jiray oo dagaal yar uu dhacay oo tahriib yar aan galay oo doon yar soo koray oo carab yar aan imid yala waadaad yar lay yidhi yaw carab yur aan idhi oon yurub usoo kacay oo kaam yar aan galay baraf yarina igu da,ay oo foom yar lay dhigay yar saxeexna lay yidhi you shidhaab mar lay yidhi oo caydh yar lay qoray markii caydh yar lay qoray shaw ciil yar baa i galay beri aan yaraan jiray oo iskuul yar lay qoray oo inan yar lay baray oo waraaq yar u qoray oo boos yar u dhigay oo jawaab yar aan helay shaw jacayl yar baa i helay oo shaqo yar daydayay oon lacag yar soo helay deedna habaryar u tagay hagbad yarna aan galay oo suudh yar iibsaday oo tay yar lay xidhay tima jara yarna u tagay taalo yar ii jaray oo oday yar sii waday oo wadaad yar loo wacay yartii meher yar lagu xidhay koofeer yar loo waday oo toob yar loo xidhay oo aroos yarna loo dhigay oo hees yar loo tmay ana keeg yar aan jaray marki wiil yar lay dhalay shaw xanaaq yar baa dhacay
Queue is empty
-- / --