VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Calaf lama horjoogsado - Lyrics

culusaa ALLAHAYAW naftu caato badana arimuhu cuyubanaa ciil kaanbi waynaa ma dhulkaan colownoo cirkana igu soo dumay waa maxay cidhiidhigani calaf lama hor jogsado ana kuma cadho qabo ciil kaanbi ha u dhiman talana waa calool adayg hadii wacadkii caaribay ana caashaq ha dilo adna caano iyo nabad cimrigaa ku noolow waxay daruuri curataa kolkuu CAADIL shubayee dhirtu waxay cusbaata ay curubta saartaa kolkay ciidu qoydeey xididadu cabaanbay bixisaa caleentee waa hadal caqliga gala ama la isu celiyee wax se caawa ii daran taladan cayn wareegtee ana culuq ILAAHIYO caynaano ii maqan adiguna caqiidiyo caafimaad ku noolow calooshuna kumay nicin cidna kaama raacine sow nabadii ceeliyo cunsur aabo kuma ridin ana sow caanaan iyo cadho waalid kama baqan miyaan tiisii caariday ubad waa la celiyaa cudud lagu faanaa caashaq ku weerara ayaa loola cawdaa nin canaan ka yaabi ceeb saar ma doontee caadada dadkeenuna inay cidhib la'aan tahay jacaylkii ceebla iyo helay ee dilay cilmiyo hodan sow laguma caayin waa igu cuslaayoo sidii caamir loo helay ciirciiris baan ahee adigana ma toobsaday
Queue is empty
-- / --