VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Garaadlaay - Lyrics

Ma ogtahey garaadlaay geed miro ku yaalaan intuu baxay gun iyo baar gurashada diyaar u ah Mar hadaadan gaareyn geeraar raqisiyo gucla orodka racdada waxba kuuma gooysee Gocashada adoon badin inaad dowga garataa ameey ameey kulagudboon tahay? Gacalkaa galdoorsaday guubaabo iyo hees midna laguma gaaree oo intaa goori goor tahay daydayo gayaanka daydayo daydayo gayaanka Guusha iyo ayaankuba galad Ebbe weyoo hadaan Guule kuu qorin si xun laguma goobee Inta labo gayaano guri yeeshay oo laday galadoo is leedahay guuleysan meysidee Guryo noqoshadoodiyo gacan dhaafka reeraha godobyeey godobyeey godob yaanaan kugu noqon Gacalkaa galdoorsaday guubaabo iyo hees midna laguma gaaree oo intaa goori goor tahay daydayo gayaanka daydayo daydayo gayaanka
Queue is empty
-- / --