VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Guux Jaceyl Ft Qaboojiye - Lyrics

Qaboojiye Waan kuu goo oo oo oo oo waan ku goobayaayee gabal dhaciyo waabari goobyaalayaayoo guura socod ku daalee waan ku goobayaayoo guura socod ku daalee waxa aan la golangolay gacaltooyadaadoo gasiinkaan cunayiyo hurdadii ka goayoo gogashii colownee gayigaan balaadhka leh afartiisa geesood dumar gabi ahaantood adaan kaaga goayoo gadigood haweenkaba gabar kalle ma eegee galiilyada i heysiyo gantaasha igu taagan iga gooyni weydee waan kuu gooniyoobaye waadna igu gorancantee garka muruqa laba suul gadeeban uqaataa Fiska Anigoon hoo hoo hooo anigon ku gooyneen ku gohaadineynoo kuna galalufeynbaan kuu garcelinayaayee anigoon ku goonbaan kuu gar celinayaayee waxaan uga gon leeyahay oraah guuna baa tidhi geedkii waleetaba intii xaaba gubi laheed waxey taal guntiisee anba waa i galayoo goor ahaan habeenimo galab gaab aheynbuu ila helay gantaalkoo kii aan u geystanaa gacanta igu seydhee gacalow jaceylkani kuma aana guuxinoo ka garaabimaayee kuma aanan gariifine qalbigaadan galinoo garka muruqa laba suul gees kalaan u jeeda Qaboojiye Waankuu goo hoo hoo hoo waan ku goobayaayee guyaal iyo guyaal baan raadkaaga gurayoo kuna gaari waayee waan ku goobayaayoo kuna gaari waayee gacalkaad ka dhalatiyo inaan geedkii tago oon gabaati iyo yarad iyo kaa bixyo geelbaan talo aan ku gaaree gayaankeyna waa tahay guurna waan u jeeda adna waad i gooysoo sidii aan gafaayaa i gohaadisaayoo i garaabi weydee galiilyada i heysiyo gantaasha igu taagan iga gooyni weydee waan kuu gooniyoobaye waadna igu gorancantee garka muruqa laba suul gadeeban uqaataa Fiska Anigoon hoo hoo hoo anigoon ku goyneen qaan gaar ayaan ahoo guurkiyo jaceylkuna go'aankeyga weyaan anigoon ku goynene go'aankeyga weyaan gayigaan lahaayiyo inaad gaarta ehelkoo lo'yaal gamaan iyo iga bixiso geel badan kugumaan ganaaxine meel nasiib i geyn lahaa goob kastaba ha noqtee geesuu calafku iga jiro  aananan aa kala  garaneyn oo aan gayaan ahoo guurna lama huraan yahay gacalow jaceylkani kuma aanan guuxinoo ka garaabimaayee kuma aanan gariifine qalbigaadan galinoo garka muruqa laba suul gees kalaan u jeeda Lyrics by : Cumar
Queue is empty
-- / --