VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sadri - Lyrics

sidaa lay hayiyo caashaqaan i sida ma sifayn karee yaa i saafoo intuu sara wadnaha su,aalahan qalbiga dhex sabaynayay iyo sidaan kuu jeclahay heedhe kuu sawira suxulkay intuu kaa sareeyo iil adaa igu sidkane sida siliska dahab naftan qoorta sudho sambabada jidhkiyo xidida susuma amba seeduhuu sunta raaciyoo saablayda iyo sadriga iyo qalbiga midku soohan baa sakal igu xidhoo sina uguma baxo suxulkay inttuu ka sareeyo iil adaa igu sidkane naftaydan ku sudhan sida oo ha dhigin allaa saakinee isku keen simmiyo subxaan mahad u celli sidiisaba cishqigu yuu siibanine sidii sabi u dhawr madaxa u salaax simbidha haaka iyo yuuna galin sursuur suxulkay inttu ka sareeyo iil adaa igu sidkane sida silska dahab naftan qoorta sudho sareedada aduun dadku sahadiyye suga waa kalgacal siraad baa iga baxa sooda feedhahiyo sabarkiyo jidhkoo saacadaanan ku arag si kalaan noqdaa salka kama dagani suxulkay intu ka sareeyo iil adaa igu sidkane naftadan kku sudhan sido oo ha dhigin
Queue is empty
-- / --