VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Naftaydaay raali noqo - Lyrics

Naftaydaay raali noqo Beeneey raad laawe noqo Rugtii lagu abaarsadiyo hungooy lagu raysto noqn Rooboow kii hoore noqo Ramaas iyo udgoon lahoo Ugbaad iyo raysle noqo Rafiiqoow labo is jecel Ra'yiga kala qaata oo Is raal galshoo wanaag Raxmad udhaxeeso noqo Nanftaydaay soo rajuuc Riyada beenta ahna diid Waxii roone kuu qornaa Rasmiga ku nagaanayaa Runtii waxaan raadiyaba Rafaadkii hore dhamaa Raxmaankaan ku mahdiyaa Rafiiqoow labo is jecel Ra'yiga kala qaata oo Is raal galshoo wanaag Raxmad udhaxeeso noqo Runta udhaxeeso noqo
Queue is empty
-- / --