VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maandeeq - Lyrics

Birimo Maantaba haddii Nabad iyo maslaxo Lamushaaxayoo muqdisha ii xor tahay Madaxdii iyo maatadii Midigta is heystaan Waa mahad alle alle Murtida hadeeeey maandeeq dhashee Faysal Maantaba haddii Dadku muhada iyo Muran iyo qabiil Ka yihiin mid qura Madaxdii iyo maatadii Midigta is heystaan Waa mahad alle alle Murtida hadeeeey maandeeq dhashee Birimo Maantaba haddii Mudane iyo marwaba Midnimo iyo sinaan Ku yihiin maqsuud Madaxdii iyo maatadii Midigta is heystaan Waa mahad alle alle Murtida hadeeeey maandeeq dhashee Feysal Maantaba haddii Shacabkii mudada Ku maqnaa qurbaaha Soo noqdeen markale Madaxdii iyo maatadii Midigta is heystaan Waa mahad alle alle Murtida hadeeeey maandeeq dhashee Qoralka By: Bashiir Salad
Queue is empty
-- / --