Heesta Walwaal - Lyrics
waqlo ruux ku oomoo
wahaniyo dhib soo maray
adna ceelkii walwaaleed
waadaaan aad ku shubayso
haadu way iga taalaa
walaaleey ku yidhaahdo
miyaad waraabin lahayd
waxaan ahay wax garadoo
isagoon i waydiin
wax dardaarka reebiyo
wanaagbaan u fidin laa
waajib weeyi dadaalkoo
waan waraabin lahaayoo
waliba soori lahaa
walbahaar jacaylbaa
iga waab samaystoo
wiiqayoo qalbigaygii
wax san iigu yabooh
wacaneey labadeenu
inaan caashaq wadaagno
wax miyaad ka qabtaa
iskamaynaan war haynoo
waaxyahayga oo idil
dhamaan uu i wareemoo
waydarbuu ka samaystee
wehel aynu ahaano
arin weeyi wanaagsan
adiga iga wakiila