VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adimada talaabada - Lyrics

oogada jirkaagee adimada talaabada aayar toosan gaadhaa waxad tahay mid eebuhu u idleeyay quruxdee waan kuu rafaadoo aduun yada intaan jiray waxaan kugu adkeeya ifka laguma sheegine waxaan anigu raba iyo ula jeedadeenuna arooskeena weeyee waa inaad adkaysaa aqal keenan maanta ah inan yahay sindadabkiyo timaha isku saydhiyo wajigaa iftiimaa indhahaagu eegmada jaceel igu abuurmee waan kuu ilmeeyaa sida ubad arooryaad hooyadii uu doontoo ka adkaysan waayee waxaan anigu raba iyo ula jeedadeenuna arooskeena weeyee waa inaad adkaysaa aqal keenan maanta ah
Queue is empty
-- / --