VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qalaafe - Lyrics

qaran sidii u qayirmoo quudkii ka go'ay qarow kama baxee qooskaygoy noqataan qaboobi lahaa qaxarkay qudhayda galin naftoo laqaadana ka qawi ween qabri dhexdii qol cidla ah ka daranee qadra yar mee qunyar socodkiyo qamuunsiga ku raacee qabowga wabi iyo qaalafay kudhalatee qalbigan bay quraan sidii sii ku qoran tahee waan qalaloo jaceel keedaa i qaribee qoorteeda dahab ilkaheeda qoran ciridka qalin madow lagu qoryee qosolkay qaarisaa uma qalmee qaararkiyo qool keeda bilan tan iyo qoobkaan ka qayirmee qaadirkii uumay wadnuhuu kuu qod boo maqarin karee qunyar socodkiyo qamuunsiga ku raacee qabowga wabi iyo qaalafay kudhalatee qalbigan bay quraan sidii sii ku qoran tahee waan qalaloo jaceel keedaa i qaribee
Queue is empty
-- / --