VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xoodaamo - Lyrics

Sida faras bulaalo aan xaaluf aragoo nugaal xeys ka daaqoo baruur dhabarku xoodmoo ama xalin fadhiyayoo la xanaanin jirayoo xuduntiyo feedhaha farawguu xardhoo oo xuub dhacsadayoo seyntu dhulka xaabtoo oo aan xajiin iyo wali mudan xas iyo boodh oo xariir ka shaalkiyo xakamihii la surayoo hore loo xambaaroo xog ogaale fuuloo oo xuufta boodada xawaaradala yaaboo oon orodka xiiqeyn qaar baa xaraamee marka aan xagaagiyo xubnahaaga eegaba xiisoodayee xadentoodayee xoodaamayee Sida geesi xididkiyo xigtadiisu jeceshahay oo xubinta hadalkiyo xaajada yaqaanoo oo xumaan sokeeyo lagu xaman bakheylnimo oo xoola bixintiyo deeqsinima ku xeeldheer oo loo xubeeroo sida xuladka nooloo xaashaan la dhaafeyn halka uu xariiqoo amase xadiiskiyo xaqa diinta sheegoo xag Illaahay mooyee tii kaleba xooroo oo ay xertiisiyo dadkoo idil ku xoomaan oo ay xuural ceyntiyo jannadii xusuusteen marka aan xagaagiyo xubnahaaga eegaba xiisoodayee xadentoodayee xoodaamayee
Queue is empty
-- / --