VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Weligeed aduunyada - Lyrics

Weligeed aduunyada Wakhtigaa qof saacida Midna waayaha xidha, Labadaase waxaanan ahayn, Horaa looga waayee Waa nin iyo waagii, Aniguna wisiisiga, Waxaan wiida la hayaa Igu wacan waxyeelada Webibeyla sare kacay Caashaqu wadaad ma leh Waalaloowna kuma hadho Waanwaana kala tege Waxba hay dabiibina Wadka aan is aragnee. Webibeyla saratagey, Wadadiina ka ambaday, Sidii weel dalooshamay. Biyo looga webiyaa, Waanadu i dhaaftaa, Culimada wanaagsani. Camo iyo watiiniyo, Waduxaafiyoo idil Haday igu wareejaan, Walbahaarku ima dhibo, Caashaqu wadaad ma leh Waalaloowna kuma hadho Waanwaana kala tege Waxba hay dabiibina Wadka aan is aragnee.
Queue is empty
-- / --