VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dadnimada Aqoonsoo Ft Kuluc - Lyrics

Intaa dunida nooshiyo daluunka iyo iilkii hadii lagugu duugana gacantaa ku heestaa Dadna waan ismoodoo da'dey adiga oo nool mid kale lama dagaayee Dadnimada aqoonsoo jaceylkaan aan la diideyn waa intuu ku daaree ma ii diir naxeeysa Inanyahey diraaciyo dirir rooray kala wacan adoo doog arkaaya lama dago abaaree Nin tiisaba daayacey kan kale dugsanayaa ani ii kala doqonsadee Dadnimada aqoonsoo sidii dumar xishoodoo hadalkii la dadi jiray ha igu oran nin dabadii Inanyahow dushaada leygu daadshi malaboo horaan kugu daallo kuma deyn karaayee Dadna waan ismoodoo inaan kugu dul meeroo ku dib jiro agtaadee Dadnimada aqoonsoo jaceylkaan aan la diideyn waa intuu ku daaree ma ii diir naxeeysa Inanyahey dushaadaa ley mariye dacaroo dirqi guurka maahinee Dooqaan ku raacinee Ragu laguma diidee ruuxii aan ku dooneyn waa laga dambeeyaa Dadnimada aqoonsoo sidi dumar xishoodoo hadalkii la dadi jiray ha igu oran nin heebtii Dadnimada aqoonsoo jaceylkaan aan la diideyn waa intuu ku daaree ma ii diir naxeeysa
Queue is empty
-- / --