VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dadnimada Aqoonsoo Ft Kuluc mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Halimo Khalif Magool
Dadnimada Aqoonsoo Ft Kuluc

Intaa dunida nooshiyo
daluunka iyo iilkii
hadii lagugu duugana
gacantaa ku heestaa

Dadna waan ismoodoo
da’dey adiga oo nool
mid kale lama dagaayee

Dadnimada aqoonsoo
jaceylkaan aan la diideyn
waa intuu ku daaree
ma ii diir naxeeysa

Inanyahey diraaciyo
dirir rooray kala wacan
adoo doog arkaaya
lama dago abaaree

Nin tiisaba daayacey
kan kale dugsanayaa
ani ii kala doqonsadee

Dadnimada aqoonsoo
sidii dumar xishoodoo
hadalkii la dadi jiray
ha igu oran nin dabadii

Inanyahow dushaada
leygu daadshi malaboo
horaan kugu daallo
kuma deyn karaayee

Dadna waan ismoodoo
inaan kugu dul meeroo
ku dib jiro agtaadee

Dadnimada aqoonsoo
jaceylkaan aan la diideyn
waa intuu ku daaree
ma ii diir naxeeysa

Inanyahey dushaadaa
ley mariye dacaroo
dirqi guurka maahinee
Dooqaan ku raacinee

Ragu laguma diidee
ruuxii aan ku dooneyn
waa laga dambeeyaa

Dadnimada aqoonsoo
sidi dumar xishoodoo
hadalkii la dadi jiray
ha igu oran nin heebtii

Dadnimada aqoonsoo
jaceylkaan aan la diideyn
waa intuu ku daaree
ma ii diir naxeeysa

codkii Halimo Khalif Magool