VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhirta xididka hoosaa dhulka loogu beere - Lyrics

Dhirta xididka hoosaa dhulka loogu beeree way dhici lahaayeen Dhismahooda weeyee Dhirta xididka hoosaa dhulka loogu beeree way dhici lahaayeen Dhismahooda weeyee Kii dhaba jaceylkuna halkii kama dhaqaaqo dhidibaa u aasan Kii dhaba jaceylkuna halkii kama dhaqaaqo dhidibaa u aasan waa sida dhillowyahan intuu laan isaga degey dhexda loogu marayee, dhakhso uga baxaayee Kii dhaba jaceylkuna looma kala dhantaaloo lafahuu dhammeeyaa sida dhuda haween yaal isu dheeli tiranoo midba dhan u baxaysoo dhinaca isa saaree dhinaca isa saaree Kii dhaba jaceylkuna waaa qadan wadaagiyo isu dhalasho daacad ah sida dhalanka weeyaan dheehaa caleentuyo ubax wada dhalaaliyo dhimbishaa hareeysee dhimbishaa hareeyee kol hadulamaan yahay kala duuban meynee waagaa dharaar noqon Kii dhaba jaceylkuna looma kala dhantaaloo lafahuu dhammeeyaa
Queue is empty
-- / --