VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hiboow heedheh - Lyrics

Magool Huqdaad i goysaa la cidla laga hayaamee hayinaan ku guuraan heeryo saaro waayee hiboow heedhee ma marki aan heshiinaad ayaad horumarkii iyo wanagii hilmaamtay Salaad Darbi Hibooy kama hadal la aynee hibooy hawlaha aduunkiyo dhibaatay hor taagane meehanaabayee oo haraadayee waxaba haysanaade hoodiyo ayaaniyo hibuu rag isku dhaafee habeen dhalad ninkii ahna talo kama habawdee hibooy hadimada adaa leh hibooy kolka waan hinqadayo hibooy hareeraha i qaadaye waxaan haabta waayee Magool Hinqaryada i haysiyo duryan baa hadal batee waxaad haabanaysiyo hanti kuguma lurayee hadhka labada galiniyo hooskaa wareegee hiboow heedhee ma marki aan heshiinaad ayaad horumarkii iyo wanagii hilmaamtay Salaad Darbi Hibooy kama hadal la aynee hibooy hawlaha aduunkiyo dhibaatay hor taagane
Queue is empty
-- / --