VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacayl dhiig ma lagu qoray - Lyrics

Jacayl dhiig ma lagu qoray Weli dhuux ma loo shubay Qofna saanta dhabarkiyo Maw dheegey feedhaha Dhabanada cad laga jaray Hadalkii ma lagu dhigay Xinjir aan is dhalan rogin Midabkeedu dhiin yahay Laga dhuray halbowlaha Weli dhiil ma lagu shubay Laba mays dhadhan siiyeen Sida dhayda xoolaha Dhag dhag maw wadaageen hadaan laysku dhimanayn nafta laysu dhiibeyn soomaaha dhalanteed jacayl dhaawiciisii qofna wali dhibtiisii dhaayaha ma beeloo dhaguhuna ma awdmeen dhaxan suu u tagnaa maka daatay dheehii dadku mayska dhaafeen dhaqax maw maleeyeen wali dheymadiisiyo dhakhtar lagu daweeyaa dhulka ay ku taaliyo halka ay ka dhawdahay kun habeen maw dhaxay hadaan laysku dhimanayn nafta laysu dhiibeyn soomaaha dhalanteed diyaariye qalbijaceyl
Queue is empty
-- / --