VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kii dhabajacaylku - Lyrics

dhirta xididka hoosaa dhulka looga beeree way dhici lahayd dhismahooda weeyee laylalaylay laylalaylay kii dhaba jacaylkuna halkii kama dhaqaaqoo dhidibaa u aasan waan sidaa dhilowyahan intuu laag isaga dhigay dhexda loogo marayee dhakhso uga baxaayee kii dhaba jacaylkuna lama kala dhantaaloo lafuhuu dhameeyaa sida dhuda haweenyaa dheehee cadeeduye ubax wada dhalaaliyo dhinbiishaa hadhaysee kol haduu dhab kaa yahay kala dhuuman maynee waagaa dharaar noqon kii dhaba jacaylkuna halkii kama dhaqaaqoo dhidibaa u aasan kii dhaba jacaylkuna waa dhaqan wadaag iyo isu dhalasho daacada kol haduu dhamaan yahay kala dhuuman maynee waagaa dharaar noqon
Queue is empty
-- / --